|
Boorame,(insidesomalia.org)-Kumanaan dadweyne ah oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal ayaa maaanta soo dhaweyn tii ugu weyneed inta la ogyahay u sameeyay Musharada xisbiga Kulmiye u taagan Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil “Saylaci”.
Wafdiga uu hogaaminayay Eng Saylaci ayaa dadweyne taageersan xisbiga Kulmiye oo aad u tira badan gaadiidka qeybahiisa kala duwana wata ugu hortageen deegaanka Garaya-Cawl iyadoo caleemo qoyan u ruxayay iyo calanka xisbiga Kulmiye isla markaana tusayay sida aay aad ugu faraxsan yihiin hanashada uu hantay inuu xisbiga Kulmiye ugu qeyb galo doorashada Somaliland isagoo u taagan xilka Madaxweyne Kuxigeenka dalka.
Kadib wafdiga ayaa loo soo galbiyay magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal iyadoo dadweynaha iyo madaxda Kulmiye iskugu tageen fagaaraha weyn ee hoteelka Maana Guest House halkaasoo khudbado ka jeediyeen madaxda xisbiga Kulmiye.
Xaflada waxaa ka hadlay Mudane Cabdi Saciid Kaahiye oo kamid ah mudanayaasha golaha dhexe xisbiga Kulmiye ugu jira gobalka Awdal waxuuna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qaabka ay dadweynaha reer Awdal maanta usoo dhaweeyeen musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Eng Saylaci iyo wafdiga la socotay.
Waxuu u mahad-naqay Musharaxii xilka Madaxweyne Kuxigeenka u taagnaa ee u tanaasulay Saylaci Mudane Ismaaciil Muumin Aare oo uu sheegay isagoo eegaya danta dalka iyo walaaltinimada uu tanaasul u sameeyay xilkii muddo uu u tartamayay.
Waxuu u mahadceliyay dadweynaha waxuuna sheegay inay fooda nagu soo heysto is-diiwaan galinta isla markaana loo baahan yahay inay dadka u codeeyana xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in wax weyn uu ka badali doono hanaanka dalka isla markaana fur-furnaan iyo horumar dalka guud ahaantiisa kusoo kordhin doono.
Sidoo kale, waxaa hadlay Prof. Ismaaciil Muumin Aare waxuu sheegay inay niyad wanaagsan reer Awdal kusoo dhaweeyeen, waxuuna sheegay inay guul ka keeneen magaalada Burco doorashooyinkii ka dhacday.
“Cabdiraxmaan Saylaci waxuu calaamad u yahay midnimada gobalka, anaga waan idinka soo sinay waad naga guddoonteen howsha idinkaa leh” ayuu yiri Ismaaciil Muumin Aare.
Waxaa kaloo hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobalka Awdal Mudane Shiine “Garweyne” waxuuna aad usoo dhaweeyay wafdiga Kulmiye ka socda ee gobalka soo gaaray uuna hogaaminayay Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka Eng C/raxmaan Saylaci.
“Waxaan idin kula qeyb saneenaa, musharaxiina, waxuu usoo hoyay laba faa’iido, tan koowaad waa Madaxweyne K/xigeenka Somaliland oo bari u socotay isagaa so hoyay inay Awdal ku guuleysato” ayuu yiri Mudane Shiine.
Ugu dambeyntii, waxaa xaflada ka hadlay mushraha Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabduraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil “Saylaci” waxuuna ugu horeyn u mahadceliya dadka soo dhaweyntiisa ka qeyb galay.
Musharaxa waxa uu sheegay in doorashadii Kulmiye ee Burca ka dhacday reer Awdal ay meel wada mareen, waxuuna sheegay in guud ahaan reer Awdal isku raaceen inuu isaga noqdo Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka.
“Waxa aad maqasheen ee is qabqabsiga dhamaan waan soo afjareynaa dhawaan anagoo gacmaha is heysanaa imaan doonaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Saylaci.
Musharaxa waxuu sheegay inuusan cid gooni ah soo dhaweysan doonin oo dhamaan dadka u siman yihiin, waxuuna sheegay in dadka u kala xulan dooni sida ay u kala shaqa iyo daacanimo badan yihiin.
|